Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan magalaada Dhuusamareeb

0
435

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan magalaada Dhuusamareeb

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug halkaasi oo uu ka furmi doona Shirka Dhusamareeb 3.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay Safarka Madaxweynaha ee Magaalada Dhuusamareeb iyadoo sidoo kale lagu wado in saaka uu la hadlo Madaxweyne Farmaajo baarlamaanka federalka.
Qoraal uu bartiisa facebook soo dhigey afhayeenka madaxtooyada ayaa u qornaa sidan;

“Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa berri magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga” ayuu yiri Madaxa Warfaafinta xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here