Falcelinta TikTok Ee Hadalkii Madaxweyne Trump
Barta Tiktok ayaa si adag uga jawaabtay hanjabaaddii madaxwyne Trump ee ahayd inuu TikTok ka mamnuucayo dalka Mareykanka isagoo ku sababeeyay walaac laga qabo in barta ay macluumaadka gaarka ah ee dadka reer Mareykan la wadaagto dowladda Shiinaha.
Maamulaha guud ee TikTok Vanessa Pappas ayaa sheegay in TikTok ay dalka Mareykanka ka haysato maalaayin taageero u ah oo isticmaalo bartooda. Waxa uu sidoo kale maamulaha carrabka ku adkeeyay ineysan jirin waxa xiriir ah oo ka dhaxeeya iyaga iyo dowladda Shiinaha.
Madaxaweyne Donald Trump ayaa shalay ku dhawaaqay inuu Mareykanka ka mamnuucayo app-ka TikTok oo muuqaalada lagu baahiyo. Waxa uu weriyaasha u sheegay inuu saxeexayo amar sare oo khadka looga saarayo barta.
App-kan oo uu isticmaalkiisu xawaare ku socdo ayaa waxaa isticmaala 80 malyan oo reer Mareykan ah, waxayna mamnuucidda TikTok saameyn weyn ku yeelan doontaa shirkadda ByteDance.
Tallaabadan lagu mamnuucayo TikTok ayaa imaneysa xilli uu sii adkaanayo xiriirka u dhaxeeya maamulka Trump iyo dowladda Shiinaha iyagoo isku haya qodobo dhowr ah oo ay ay ka mid yihiin khilaafka dhanka ganacsiga iyo dilaacidda fayraska corona.
Waa maxay TikTok?
TikTok ayaa ah app ama barnaamij uu qofku si bilaash ah u adeegsan karo, waxaana TikTok lagu macneeyaa inuu yahay YouTube yar.
Dadka isticmaala App-ka TikTok waxay ku soo bandhigi karaan muuqaal aan hal daqiiqo ka badneyn, dadka isticmaalana waxayapp-kaasi ka heli karaan codad ku keysdan oo ay muuqaalladooda ama farriimahooda ku lifaaqi karaan.
Muuqaallada majaajillada iyo farriimaha qoraalka ah ee gaagaaban ayey sidoo kale dadka isticmaala app-kan TikTok soo dhigi karaan.
Qofka TikTok isticmaala marka uu helo 1,000 qof oo bartiisa ku xiran, wuxuu barnaamijku u oggolaanayaa inuu barnaamijyo toos ah uu la wadaago taageerayaashiisa isl-markaana uu aqbalo hadiyado digital ah oo uu lacag ku beddelan karo.
App-ka TikTok wuxuu soo bandhigaa dhammaan muuqaallada ay dadka isticmaalo iyo dadka ku xiran soo dhigaan iyo waxyaabaha app-ka uu muhiim u arko inuu markale qofka daawada ama u soo celiyo.
Sida oo kale barnaamijkan wuxuu dadka isticmaala u oggolaanayaa iney farriimo isweydaarsadaan..
TikTok iyo Shiinaha maxaa loo xiriiriyey?
TikTok wuxuu ku howlgalay afar App oo kala duwan.
Barnaamijka ugu horreeyey wuxuu ahaa Musical.ly, oo Mareykanka uu sii daayey 2014-kii. Sidoo kale, 2016-kina Shirkadda technooloojiyadda ugu weyn Shiinaha ee Bytedance wuxuu dalka Shiinaha ka bixiyaa adeeg la mid ah oo loo yaqaanno Douyin.
Bytedance ayaa caalamka intiisa kale ku baahay waxaana loo bixiyay magaca ah TikTok.
Sannadkii 2018-kii Bytedance waxay iibsatay shirkaddii Musical.ly, iyada oo ku dartay howlaha barnaamijka TikTok uu qabto.
Bytedance waxay isku dayday in ay iska fogeyso in dowladda Shiinaha ay leedahay shirkadda, waxaana agaasimihii hore, ee shirkadda Disney, Kevin Mayer, u magacaabay agaasimaha guud ee TikTok.
Xog intee dhan ayuu TikTok keydiyaa?
TikTok macluumaad aad u badan ayuu ka uruuriyey dadka isticmaala barta, waxaana xogahaas ka mid ah:
aar ka mid ah xog uruurinta barnaamijka ayaa kor u qaaday soo jiidashada, waxaana dhowaan lagu soo daray koobbiyeeynta iyo gudbinta farriimaha ay dadku wadaagaan.
Balse waxay arrintan saameyn ku yeelatay app-kan kuwo la mid ah sida Reddit, Linkedin, New York Times iyo BBC News app.
Xogaha uu uruuriyey TikTok ayaa u dhigma mid la mid xogta ay keydiso barta ay bulshada ku wada xiriirto ee Facebook.
Si kastaba, Xafiiska Wakiilka Macluumaadka iyo Siraha UK ayaa sheegay inuu barnaamijkan baaritaan ku wado.
Shiinaha TikTok ma u adeegsadaa inuu dadku ku basaaso?
Xogahayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa TikTok ku eedeeyey in dadka isticmaalo qy xogtooda khatar ku jirta ayna “xisbiga Hantiwadaagga Shiinaha uu u dhaco si uu xogtaas u qaato”.
TikTok wuxuu marar badan ku dooday in xogta lagu keydiyo meel Shiinaha ka baxsan.
“Soo jeedinta iyo eedda dowladda Shiinaha ka dhanka ah, gabi ahaanteedaba waa khalad, waana been abuur,” ayuu yiri The