Dib U Dhac Ku Yimid Furitaanka Shirka Madaxda DF Iyo M/Goboleedyada

0
400

Dib U Dhac Ku Yimid Furitaanka Shirka Madaxda DF Iyo M/Goboleedyada

Maanta oo tallaado ah ayaa waxaa la filayay inuu Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug uu ka furmo Shirka wadatashiga Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid.

Madaxda ayaa shalay iyo xalay waxaa ay yeelanayeen kulamo gaar gaar ah hordhacna u ah Shirka wadatashiga, waxaana inta badan kulamada looga hadlay Arrimaha doorashada iyo qaabkii doorasho heshiis lagu yahay u dhici laheyd.

Ilo wareedyo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in Madaxda Dowladda iyo maamulada ay isla garteen in shirarka gaar gaarka ay sii socdaan, ilaa iyo inta la isaga soo dhawaanayo oo xal looga helayo Arrimaha doorashada.

Sidoo kale wararka ayaa intaas kusii daraya in Madaxda maamul Goboleedyada ay doonayan in dalka ay ka dhacdo Doorasho dadban, hayeeshee Madaxweynaha uu doonayo inay dhacdo Doorasho qof iyo Cod ah.

Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona shirkaas uu yahay mid looga hadli doono intiisa badan Arrimaha Doorashooyinka Qaranka iyo qodobo kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here