DEG DEG:-Guri Yaalla Degmo Ka Tirsan Gobolka Banaadir Oo Soo Dumay

0
424

DEG DEG:-Guri Yaalla Degmo Ka Tirsan Gobolka Banaadir Oo Soo Dumay

Faah faahino ayaa laga helayaa Guri ku yaallay Xaafad ka tirsan Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir oo Caawa soo dumay, kaasi oo ahaa mid qadiimi ah ayna deganaayeen qoysas dhowr ah.

Gurigaas ayaa waxaa uu ka koobnaa saddex dabaq, waxaana mar qura laga war helay guriga uu soo dumay, xili ay ku sugnaayeen dadkii deganaa, waxaana socda gurmadka dadka lagu baadi goobayo burburka hoostiisa.

Ilaa iyo hadda shan qof ayaa laga soo badbaadiyay guriga dumay oo ku yaala xaafadda Raqayga ee Degmada Xamarweyne, halkaasi oo ay haatan ku suganyihiin gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo dadka xaafada oo iskaashanaya.

Lama oga qeybta hoose ee guriga tirada dadka ku jiray, balse waxaa socda dadaal lagu baadi goobaya dadka ku hoos jira dhismaha dumay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here