Madaxwayne Farmaajo Oo Shir Gudoomiyay Kulan Hordhac U Ah Shirka Wada Tashiga Ee Dowlada Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada

0
487

Madaxwayne Farmaajo Oo Shir Gudoomiyay Kulan Hordhac U Ah Shirka Wada Tashiga Ee Dowlada Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada

Magaalada Dhuusamareeb ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa Madaxda dowladda Federaalka sida Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Kulankan ayaa ka dambeeyay kulamo gaar gaar ahaa oo xalay illaa shalay ay yeelanayeen Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda dowlad Goboleedyada, waxaana kulankaas uu yahay mid Albaabada u xiran yihiin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sigaar ah kulan ula qaatay Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Maxamed Islaaam Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay dib ugu laabtay Dhuusamareeb, iyagoo ka wada hadlay Arrimo kala duwan.

Sidoo kale Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo gaar gaar ah oo Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ka yeelanayaan sidii jawi wanaagsan iyo is faham ugu bilaaban lahaa shirkooda dhowaan furmaya.

Shirka u furmaya Madaxda ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, xalinta Khilaafyada jira iyo Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa saacadaha soo socda la filayaa inuu gaaro Magaalada Dhuusamareeb, si uu uga qeyb galo Shirka u furmaya Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamulada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here