Ciidamada Booliiska Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Dhalinyaro Kusoo Labistay Calanka Somalia

0
441

Ciidamada Booliiska Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Dhalinyaro Kusoo Labistay Calanka Somalia

Wararka Idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso magaalada Gebilay ayaa sheegaya in ciidamada booliiska Soomaaliland ay xabsiga u taxaabeen dhalinyaro kusoo la bisatay calanka Soomaaliya.

Dhalinyaradaan ayaa la sheegay in ay funaanado ka sameysan calanka Soomaaliya ay ku dhex wateen magaalada taas oo sababtay in ciidamada Booliiska Soomaaliland ay qabtaan isla markaana ay xabsiga u taxaabaan.

Xarigga dhalinyaradaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli guud ahaanba dalka looga dabaaldegayay markii gobolada Waqooyi iyo Koonfur ay ka xuroobeen gumaystihii Ingiriiska iyo Taliyaaniga ahaeydna israacii labada gobol.

Si kastaba ha ahaatee ma aha markii ugu horeysay oo Soomaaliland ay xabsiga u taxaabaan dhalinyaro lagu eedeyay in ay kusoo labisteen calanka Soomaaliya taas oo dembi looga arko deegaanada maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here