Somaliland Oo Xukun Ku Riday Nin Kufsi Iyo Dil U Geystay Gabar

0
518

Somaliland Oo Xukun Ku Riday Nin Kufsi Iyo Dil U Geystay Gabar

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay xukun Dil toogasho ay ku riday Nin horey fal isugu jiray kufsi iyo Dil Gabar ugu geystay deegaan ka tirsan Maamulkaas.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Cabdi Siciid Muuse oo ah Ninka falka u geystay Gabadha oo kamid aheyd dadka deegaanka degmada Garbadadar Gobolka Awdal lagu helay caddeymo uuna qirtay falkaas.

Marxuumada ayaa lagu magacaabi jiray Shukri Yuusuf Xuseen, waxaana Eheladeeda ay sheegeen inay doonayan in xukunka Dilka toogashada lagu fuliyo Cabdi Siciid Muuse.

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa horey sidaan oo kale waxaa xukuno ugu diray rag lagu eedeeyay in deegaanada maamulkaas ka geysteen fal kufsi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here