Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da’ay Duleedka Dhuusamareeb Iyo Dhimasha Iyo Dhaawac Ka Dhashay

0
451

Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da’ay Duleedka Dhuusamareeb Iyo Dhimasha Iyo Dhaawac Ka Dhashay

Khasaaro sababay dhimasho iyo burbur hantiyadeed ayaa ka dhashay roob saacadihii la soo dhaafay ka da’ay deegaano ku yaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Roobkaan oo saacado badan socay ayaa ka da’ay Degaanka Shiiqaaleey oo Galbeed ka xiga Magaalada Dhusamareb Bali-cadna Dhanka Bari kaga beegan, waxaana la sheegay in halkaasi ku Geeriyooda Gabar 7 Sano jir aheyd halka ay ku dhaawacmeen Carruur kale iyo Hooyadii ka dib markii uu ku habsaday Geed Qurac ah oo Dabayshu kusoo riday.

Wararka ayaa waxaa ay inatasi ku darayaan in roobka dabeylaha watay uu sidoo kale uu khasaaro hantiyadeed ka geystay degaanka Xeraale,isla markaana ay burburtay Taawarkii isgaarsiinta Somtel,sidoo kalena ay dumeen Guriyo Dhowr ah.

Qaar kamid ah Bulshada ku nool deegaannada uu Roobka ka da’ay ayaa gurmad u sameeyay qoysaska uu saamaayey Roobka,waxaana la filayaa in mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ay gaaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here