Ciidamada Amaanka Ee Puntland Oo Sheegay In Ay Fashiliyeed Qaraxyo Laga Fulinayay Boosaaso

0
377

Ciidamada Amaanka Ee Puntland Oo Sheegay In Ay Fashiliyeed Qaraxyo Laga Fulinayay Boosaaso

Howlgal ay Ciidanka maamulka Puntland ka sameeyeen gudaha magaalada Bosaso ayaa waxay ku soo qabteen qaraxyo kala duwan oo lagu diyaarinaayay guryo ku yaal magaalada Bosaso si ay ugu dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada.

Qaraxyadan ay ciidamada PSF fashiliyeen ayaa koobnaa qaraxyada dhulka la geliyo iyo suumanka qaraxa ee naftood haligayaashu isku qarxiyaan.

Hawlgalkan ay ciidamada PSF galabta fuliyeen ayaa daba-socday hawlgalkii sagaalkii bishan ay ciidanka PSF ka sameeyeen Bosaso oo lagu diley xubin muhiim ah ka tirsanaa Daacish sidoo kalena lagu soo qabtay madaxii Amniyaatka Daacish ee gobolka Bari iyo 2 gaari oo qaraxyo lagu soo xiray.

Ciidamada PSF waxaa kale oo ay hawlgalkan galabta ku soo qabteen 3 maxbuus oo ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here