Maamulka Jubaland Oo Mamnuucay Xidhashada Niqaabka Haweenka Xil Cabsida Corona Ay Dad Afka Ka Wada Xidhanayso

0
392

Maamulka Jubaland Oo Mamnuucay Xidhashada Niqaabka Haweenka Xil Cabsida Corona Ay Dad Afka Ka Wada Xidhanayso

War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Shacabka ku nool deegaannada Maamulkaas looga digay qaadashada niqaabka ama Insha-Shareerka.

Qoraal lagu daabacay Barta Facebook ee Hay’adda Nabadsugida Jubbland ayaa dadka loogu baaqay inay ka feejignaadaan qaadashada Indha-Shareerka,isla markaana uu mamcuuc yahay.

“Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland waxay ku war gellinaysaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Guud ahaan Deegaanada Jubbaland in ay ka feejignaadaan adeegsiga ama xirashada Indho shareerka oo kol hore la mamnuucay ayaa lagu yiri”Qoraalka NISA.

Sidoo kale NISA Jubbaland NISA sheegtay in arrintaan looga gol leeyahay,iyada oo laga hortagayo khatar amni oo ka dhalata xirashada Niqaabka ama indho shareerka,isla markaana ay suurto gal ah in Cadowga umada soomaaliyeed ay ka faai’deystaan Xirashada Shareerka Xiliga adag ee Lagu gudo jiro ka hortaga Aafada COVID_19.

Ugu dambeyn Nisa Jubbaland waxaa ay sheegtay in Shacabka rag iyo dumarba ay si siman u isticamaali karaan Gafuur Xirka afka qalaad lagu dhaho Face Mask.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here