Dowlad Kenya Oo Dalbatay In Baadhitaan Lagu Sameeyo Sobobta Keentay Diyaaradii Bardaale Ku Dhacday

0
372

Dowlad Kenya Oo Dalbatay In Baadhitaan Lagu Sameeyo Sobobta Keentay Diyaaradii Bardaale Ku Dhacday

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarad galabta ku burburtay degmada Bardaale, taasoo oo siday qalab caafimaad.

Diyaaradan oo ay leedahay Shirkadda African Express ayaa ka soo kacday magaalada Baydhabo waxaa la sheegay inay agab caafimaad u siday Hey’adda ICRC.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxayay qaabka ay ku burburtay diyaarada, waxaana wararka qaar sheegayaan in wax lagu dhiftay oo ay ku soo dhacday.

Mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadda African Express ayaa sheegay inay u badan tahay in diyaarada gantaal lagu dhiftay ay sababtay diyaaraddu burburto.

Xildhibaan C/raxmaan Ibbi oo ka mid ah milkiilayaasha diyaaradda ayaa sheegay in shan qof ay ku dhinteen diyaarada oo labo ka mid ah ay ahaayeen duuliyeyaasha diyaarada, wakiilkii xamuulka siday iyo wakiilka shirkadda.

Sidoo kale waxaa uu soo bandhigay sawir laga qaaday satelite oo muujinaya in diyaarada wax lagu dhiftay, xilli diyaaradda 5KM u jirtay Runway-ga garoonka diyaaradaha Bardaale.

Muuqaalo laga soo qaaday diyaaradda ayaa la arkayay qiic iyo holac ka baxayay goobta ay ku burburtay diyaaradda.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay inay baarayaan sababta dhabta ah ee keenay burburk.a diyaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here