Puntland Oo Diiwaan-Gelisay Kiisas Hor Leh Oo COVID-19 Ah

0
427

Puntland Oo Diiwaan-Gelisay Kiisas Hor Leh Oo COVID-19 Ah

Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in dad hor leh oo ku sugan deegaano ka tirsan halkaas laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, kuwaasi oo baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaad Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in 8 Qof oo Cusub laga helay cudurka Coronavirus xili kiisas dhowr ah horey looga helay dadka ku sugan Puntland.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in dadka laga helay Cudurka ay saddex kamid ah ku sugan yihiin Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, laba-na ay ku sugan yihiin Qardho oo dhawaan ay ku rogmadeen daadad, halka inta kalena ay joogaan Garoowe.

Si kastaba Tirada guud ee xaaladaha Cudurka COVID-19 ee deegaanada Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 38 ruux , isla markaana dhawaan hal ruux oo bukaan ah uu u geeriyooday xanuunkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here