Madaxweyne Farmaajo Oo Khadka Teleefanka Kula Hadlay Dhigiisa Turkiga

0
344

Madaxweyne Farmaajo Oo Khadka Teleefanka Kula Hadlay Dhigiisa Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan Khadka telefoonka ah la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweynaha Turkiga uga mahadceliyay hiilka walaaltinnimo iyo agab ka caafimaad ee ay sida deg-dega ah dalka Soomaaliya ugu soo direen, taasi ah oo ah mid loogu talagalay in looga hortego Cudurka Coronavirus.

“Waxaan wada hadalnay Madaxweynaha Turkiya walaalkay Mudane Rajab Dayib Erdogaan, aniga oo uga mahadceliyay hiilka walaaltinnimo iyo agabka caafimaad ee ay sida degdega ah noogu soo direen. Gargaarkan wuxuu kaalin mug leh ka gaysanayaanka hortagga iyo la dagaallanka cudurka COVID19” ayuu yiri Farmaajo.

Dowladda Turkiga ayaa dorraad Magaalada Muqdisho keentay qalab Caafimaad iyo agabyo kale, kuwaasi oo looga hortego faafida Cudurka COVID-19 oo kiisas farabadan laga helay Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyin kale oo ka tirsan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here