Kim Jong-Un Oo Goob Fagaare Ah Kasoo Muuqday, Kadib Markii La Waayay

0
424

Kim Jong-Un Oo Goob Fagaare Ah Kasoo Muuqday, Kadib Markii La Waayay

Kim Jong-un ayaa dib fagaaraha uga soo muuqday markii ugu horreeysay muddo labaatan maalmood ah, sida ay soo tabisay warbaahinta qaranka Kuuriyada Waqooyi.

Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegeysa in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu xarigga ka jaray warshadda sameysa qalabka bac-riminta ee beeraha.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dadkii ku sugnaa warshadda ay aad u farxeen markii ay arkeen hogaamiye Kim Jon Un.

Ka soo muuqashadiisan fagaaraha ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo 12-kii April waxayna taasi sababtay in caalamka la isla dhexmaro warar ku saabsanaa in xaaladdiisu caafimaad aysan wanaagsanayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here