Tirada Dadka Laga Helay Coronavirus Ee Somalia Oo Sare Kacday

0
535

Tirada Dadka Laga Helay Coronavirus Ee Somalia Oo Sare Kacday

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado shaacisay in dad hor leh oo qaba Cudurka halista ah ee Coronavirus laga helay Magaalada Muqdisho iyo maamul Goboleedyadab Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in 48 Ruux laga helay Cudurka Coronavirus, waxaana 41 kamid ah dadkaas ay ku sugan yihiin Gobolka Banaadir, 3 kamid ah waxaa ay ku sugan yihiin Jubbaland, halka 4-ta kalena laga helay Koonfur Galbeed.

Sidoo klale Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay 31 ay yihiin Rag, halka 17 ay yihiin Dumar, waxaana Cudurka ka bogsatay 5 qof oo kamid ahaa dadkii uu horey ugu dhacay, iyadoo la xaqiijiyay inay dalka Cudurkaas ugu geeriyoodeen 2 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ay noqdeen 528 ruux, tirada bukaannada u geeriyooday cudurkana ay gaarayaan 28-Qof.

Hoos ka daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here