Hadal uu jeediyey Sheekh caan ah oo xiisad culus ka abuuray dalka TURKIGA

0
407

Hadal uu jeediyey Sheekh caan ah oo xiisad culus ka abuuray dalka TURKIGA

Hadal uu jeediyey Sheekh caan ka ah dalka Turkiga, oo ah in cudurro laga qaado dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, ayaa xiisad ka dhex-abuuray xisbiga talada haya ee madaxweyne Erdogan iyo ururada qareenada dalka Turkiga.

Qareenada ayaa hadalka wadaadka ku qeexay kuwa dhaawac ku ah sharafta bani’aadamka, hase yeeshee afhayeen u u hadlay xisbiga AKP ayaa sheegay in Sheekha uu ka hadlay qayimka dadka Turkiga, wuxuuna ku eedeeyey qareenada inay qarsanayaan fikarad faashiiste ah.

Jimcihii, Sheekh Ali Erbas, oo madax ka ah guddiga Arrimaha Diinta ee Turkey, ayaa sheegay in Islaamka uu kasoo horjeeda isu-galmada dadka isku jinsiga ah, sababtuna ay tahay inay horseedoo cudurro iyo bulsho halleysan. Waxa uu intaas ku daray in sidoo kale ay sababto cudurka HIV/AIDS.

“Aan isku imaano oo aan si wada jir ah ugu dagaalno inaan dadka ka bad-baadino ficilladan xun,” ayuu Erbas ku yiri khudbaddiisii Jimcaha.

Si ka duwan dalal badan oo Islaam ah, galmada dadka isku jinsiga ah kama ahan dambi dalka Turkey. Hase yeeshee dadka ficilladan sameeya ayaa la kulma naceyb iyo cadaawad xooggan.

Xiriirka Qareenada Ankara ayaa hadalka Erbas ku macneeyey kuwa ka yimid qarniyo hore, oo ka dhan ah sharafta bani’aadamka. Sidoo kale Xiriirka Qareenada Izmir ayaa walaac ka muujiyey hadalkiisa, oo ay ku qeexeen kuwa dhiir-gelinaya naceyb cusub.

Hase yeeshee, Saraakiisha dowladda ayaa Isniintii adeegsaday twitter si ay u difaacaan Erbas, ayaga oo isticmaalaya hastag ah “Ali Erbas ma ahan kali”.

“Waa xuquuqda dabiiciga ah ee dadka inay u hadlaan si waafaqsan qayimka hanaanka ay rumeysan yihiin,” waxaa sidaas yiri afhayeenka xisbiga AKP Omer Celik.

Sidoo kale, afhayeenka madaxweyne Erdogan Ibrahim Kalin ayaa twitter-ka ku difaacay Erbas, isaga oo sheegay inuu muujiyey kaliya “go’aan ilaah jecel yahay”.

Dhinaca kale, xafiiska dacwad-oogaha Ankara ayaa Isniintii billaabay baaritaan ka dhan ah Xiriirka Qareenada Ankara, ayada oo lagu tuhmayo inay aflgaadeeyeen qayimka diiniga ah ee Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here