Dowlada Turkiga Oo Muwaadiniinteeda Kala Baxday Dalka Somaliya

0
385

Dowlada Turkiga Oo Muwaadiniinteeda Kala Baxday Dalka Somaliya

Magaalada Muqdisho waxaa xalay Diyaaradda Turkish Airways ay ka qaaday inta badan Shaqaalihii Turkiga ee ku sugnaa Muqdisho,kuwaas oo dib loogu celiyey dalkooda.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in ,iyada oo la fulinayo Amarkii Madaxweyne Erdogan ee ka hortagga COVID-19 si KMG ah ay Shaqaalaha Turkiga loogu daad gureeyey dalkaas.

“Digtoonaantii uu qaatay Madaxweynaheena si looga hortago faafitaanka Covid-19, muwaadiniinteenna ku sugnaa gudaha Soomaaliya ayaa si ku meelgaar ah uga soo guuray Muqdisho una aaday dhanka Turkiga, iyagoo raacaya tilmaamaha lagu soo qaadayo muwaadiniinteenna dibedda loogu keenayo dalka Turkiga ayaa lagu yiri”Qoraalka Safaaradda.

Wararka Risaala ay heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in Diyaaradda Turkish Airways ay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ay ka qaaday 101 qof oo ah muwaadiniin u dhalatay dalka Turkiga,kuwaas oo ka Shaqeynayay Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here