Kenya Oo Ku Raad-Joogta Dad Ka Baxsaday Xarun Karantiil Ah

0
350

Kenya Oo Ku Raad-Joogta Dad Ka Baxsaday Xarun Karantiil Ah

Dad reer Kenya ah oo muuqaallo laga duubay iyagoo ka firxanaya xarun lagu karantiilo dadka looga shakisan yahay inay qabaan cusurka coronavirus, ayaa lasoo qaban doonaa dibna loogu celin doonaa halkoodii, sida uu sheegay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

“Waan idin garaneynaa waana idin soo heli doonnaa,” ayuu yiri, wuxuuna intaas ku daray in dadka xaruntaas ka baxsaday ay khatar galinayaan shacabka intiisa kale.

Digniinta kasoo baxday dowladda ayaa timid kaddib markii la shaaciyay muuqaal laga duubay dhowr qof oo darbi ka boodaya, si ay uga baxsadaan xarun karantiil ah oo ku taalla magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Dadka ku jira xarumaha karantiilka ee khasabka ah ayaa ka cabanayay nolol xumo, iyadoo sheegay inay ku jiraan wax la mid ah xabsi, kharash badanna ay u baahdaan.

In ka badan 400 oo qof ayaa ku karantiilan Kenya. Waxaa ka mid ah dadka dib uga soo laabtay dalalka uu cudurka saameynta ba’an ku yeeshay, kuwaasoo dalka soo galay ka hor inta aan xuduudaha la xirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here