Kenya Oo Gubtay Shixnad Kalluun Oo Laga Qaaday Gudaha Soomaaliya

0
385

Kenya Oo Gubtay Shixnad Kalluun Oo Laga Qaaday Gudaha Soomaaliya

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Kenya ee ku sugan Magaalada Lamu ee Gobolka xeebta ee Kenya ayaa waxaa ay gubeen Shixnad Kalluun Qalalan oo laga keenay gudaha dalka Soomaaliya.

Ciidamada ayaa kalluunka ku qabtay deegaanka lagu magacaabo Mokowe ee Magaalada Lamu, waxaana uu ku jiray ilaa 761 Boorsooyin oo lagu soo dhex shubay kalluunka oo Culayskiisa dhamaa 12 Tan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kalluunka ay gubeen Ciidanka Booliska Lamu laga soo qaaday Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, isla markaana la doonayay in la geliyo Magaalada Mombasa.

Ciidanka Booliska ayaa gacanta waxaa ay ku dhigeen dad ku dhow 8 ruux oo la sheegay inay lahaayeen kalluunka la qabtay, waxaana goobta lagu gubay kalluunka goobjoog ka ahaa Taliyaha Boliska Gobalka Laamu, Irugu Majaariya iyo Saraakiil ka kala socotay Hay’adda Dekedaha iyo Kalluumeysiga ee Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here