“Waanu Saluugsanahay Hoggaanka Muuse, Laakiin Waxaanu Leenahay Dawlad Xun Waxa Lagu Sugaa Dawlad Wanaagsan”

0
516

“Waanu Saluugsanahay Hoggaanka Muuse, Laakiin Waxaanu Leenahay Dawlad Xun Waxa Lagu Sugaa Dawlad Wanaagsan”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa eedaymo culus u jeediyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inuu isku koobay Taladii Qaranka isla-markaana aanu Talo iyo waano midna qaadanayn.

Faysal waxa kale oo uu ka hadlay Xaaladda guud ee dalka, sida Xanuunka Coronavirus oo Somaliland u samaysay Guddi ka hor-tagta, Dagaal-beeleed ka dhacay Fadhi-gaab, Jabhad lagaga dhawaaqay Sanaag iyo Colaad uu sheegay inay ka hurayso Gobolka Awdal.

Guddoomiyaha UCID oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn ka hadlay Sababta Dadweynaha loogu waaniyey inay Guryahooda ku tukadaan, isagoo farriina u diray Wadaaddo ka soo horjeedsaday arrintaasi, waxaanu yidhi “Masaajiddada marka la leeyahay xidha, Diinta meel lagagama dhacayo, Cidda ugu weyn ee Amar bixin kartaana waa Dawlad, Dawladda amarkeedu waa inuu socdaa, Dawladdu danta ummadda ayay ka shaqaynaysaa oo iyadaa ka masuul ah, maaha in kolba Wadaad isa soo taago oo uu yidhaahdo la xidhi maayo Masaajiddada, isagoon waxba ku tarayn Mushtamaca, dagaal waxba ka qabaneyn, dhaqaale waxba ka tarayn, akhlaaqda Ummadda waxba ka sheegayn, inay kolba yidhaahdaan waxaanu nahay culimada reer Hebel ee Magaalo Heblaayo, oo xumaanta iyo diidmada Amarka Dawladda u soo baxaan, way jiraan Rag badan oo Culimo ahaa oo xitaa Halgankii ka soo horjeeday oo odhan jiray Halganku waa Xaaraan, oo Mar katsaba Somaliland iyo Shacabkeeda ka soo horjeeda.Waxaanu leenahay Dadkow naftiina ilaaliya, waad ogtihiin marka Salaadda la galayo Garabka ayaa garabka la isugu qabanayaa, waxaana imika la yidhi laba Mitir isku jirsada, markaa haddii lagu yidhi Caafimaadkaaga ilaali oo Gurigaaga ku cibaadayso, Cibaadada laguuma diidin.”

Guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay Qaadka, waxaanu soo jeediyey in la kaashado sidii muddo Dadka Qaadka ka shaqeeya loogu heli lahaa Biilashooda, si taasi qayb uga qaadato Hakin lagu sameeyo Qaadka “Dadka Qaadka ka shaqeeyaa waa boqolkiiba lixdan ama 70% ayay Dadka shaqaysta ka yihiin, Qaadka haddaynu karayno gebigiisaba waynu Mabnuuci lahayn, Waayo? Waa Aafo Qaran, Waxaa Dagaalo dhacaya, waxaa Musuqmaasuq dhacaya, waxaa Baryo dhacaysa waa Qaadka, nabadgalyadii aynu Itoobiya kala saxeexanay Aafo ayay inoo keentay, Xashiishad bay inoo keentay, Qaad bay inoo keentay, fusuq bay inoo keentay, Lacagtii Ummadda waddanka oo dhan bay qaadataa, Masaakiin Gidaarrada inoogu dhalaya ayay inoo keentay, waxaynu noqonay meel ay khatar ku hayso Itoobiya. Markaa haddaynu karayno waxaynu u baahan nahay in Dadka Kolayada leh in la diwaangeliyo, oo bishaa ama labada Bilood ee u horreeya ay Wadaadadda leh Qaadka halla qabto u horreeyaa lacag bixinayaan oo aynu Tabarucaad isugu darno, waynu kari karnaa inaynu siino (Biilka), laakiin Maanta halkay Quutal-daruurigoodii ka helayaan, taasi waa in laga tashadaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay Colaadda Fadhu-gaab “Fadhi-gaab iyo Jabhadaha samaysmaya, waa Nasiib-darro in Dhiig Dad Masaakiin ah oo Muslimiin ah Macaash laga doono, oo inta la fadhiisto la yidhaahdo haddaanu reer Hebel nahay guddi baanu samaynay oo dagaal baanu galaynaa ee lacag soo dira, waxay waxaasi ku tusaysaa dhibaatooyinka Maanta taagan, illaa Boorama Xabadda ayuun baan afka ka bixin, haybaddii Dawladnimo ayaa sii baaba’aysa, Dawladdu waxay ku shaqaysaa waa Kalsoonida Shacabka, Ummaddu waxay ku kala socotaa waa Sharci, haddii Somaliland Sharcigii iska laabtay, mar haddii ay shiiqeen Laamihii Dawladdu, waxaan baqayaa in Maalin dhaw ay kala dambayntu inaga burburto.”

Faysal Cali Waraabe wuxuu soo jeediyey in Talo Qaran la isugu yimaaddo “Dalkani Talo Qaran buu u baahan yahay, Talo Qaran Madaxweynuhu haku dhawaaqo, waa la ina dhayalsaday, Gooni isku taageennii iyo xorriyaddeennii ayaaba muran gashay oo dhexdeenii laga murmayaa, waad ogaydeen markii aynu dagaalamaynay ee la ina xasuuqayey ee dibedda la joogay, qaar baa Faqashta ku soo noqon jiray, intay ka soo noqdaan Xeryaha Qoxootiga, markaa waa Caado in mar kasta uu khaa’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here