Shirkada SOMTEL Oo Daah Furtey Adeeg Cusub Oo La Magac Baxay RISAALA , Sameysayna Qiimo Dhimistii Ugu Balaadhneyd Ee Xaga Internet-ka Iyo Ku Hadalka

0
504

Shirkada SOMTEL Oo Daah Furtey Adeeg Cusub Oo La Magac Baxay RISAALA , Sameysayna Qiimo Dhimistii Ugu Balaadhneyd Ee Xaga Internet-ka Iyo Ku Hadalka

Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL ayaa waxa ay maanta daahfurtey adeeg cusub oo la magac baxay Risaala , kaas oo ay ugu talo gashay in lagaga baxo xaaladan adag ee uu sababey xanuunka COVID 19 isla markaana dhanka kale lagaga faa’ideysto bisha barakeysan ee Ramadaan ee fooda inagu soo haysa

Adeegan cusub ayaa isugu jira laba nooc , qeybta koowaad ayaa ah in aad Mobile-kaga Somtel aad ka baran kartid diinteena Suubaan ee Islaamka , Axaadiista , Tafsiirka Qur’aanka iyo Muxaadirooyin adiga oo gurigaaga jooga , waxaana aad garaaceysaa Number-ka gaaban ee 288

Qeybta labaad ayaa ah Xidhmo cusub oo internet ah taas oo ah in aad ku shubato $1 kaadhkaaga SOMTEL isla markaana aad heshid 5 GB oo Internet ah iyo 500 Minute oo ku hadal ah waana xidhmo todobaadle ah.

Ugu Horeyn waxaa madasha lagu soo bandhigay adeegan ka hadlay Madaxa suuq geynta ee shirkada SOMTEL Khadar Abdiraxmaan Abdilaahi isla markaana sheegay in shirkadu ay sameysay qiimo dhimis 250 % ah , taas oo noqoneysa qiimo dhimistii ugu weyned ee abid ay shirkadu sameyso

“ Waxaanu maanta dooneynaa in aan halkan macaamiisha Somtel ugu soo bandhigno qiimo dhimistii ugu weyneed ee shirkadu ay sameyso taas oo ah boqolkiiba laba boqol iyo konton 250 % , waxaana ay qiimo dhimistani ay tahay dhinaca ku hadalka kaadhka Somtel iyo dhinaca Internet-ka .

Tusaale ahaan hadii aad 1 $ ku dhubatid kaadhkaaga Somtel waxaad helaysaa 5 Gb oo Internet xawaare sare leh iyo 500 Minute oo ku hadal dalka gudihiisa ah “ ayuu yidhi . Khadar Abdiraxmaan Cabdilaahi

Waxaana uu hadalkiisa ku soo diray “ Waxaanu sidoo kale aanu halkan maanta ku soo bandhigaynaa adeeg aanu u bixinay RISAAL kaas oo aad ka baran kartid shareecada islaamka , Tafsiirka quraanka iyo muxaadirooyin adiga oo garacaaya Numberka 288 , sababaha ugu weyn ee aanu arintaas u sameynayna waa in aanu la dareen noqono bulshada macaamiisha noo ah xiligan lagu jiro wakhtiga adag ee uu sababay xanuunka Covid 19 “ ayuu hadalkiisii ku soo gabo gabeeyey madaxa suuq geynta ee shirkada SOMTEL Khadar Cabdiraxmaan Cabdilaahi

Sidoo kale waxaa isna madashaasi ka hadlay aqoon yahan Axmed Goolcade oo ka socdey Jaamacada Hargeysa oo madasha ka sheegay in adeegan RISAALA ee shirkadu maanta shaacisay uu yimid xiligii loogu baahida badnaa loona baahnaa

Jaamac Muuse Jaamac gudoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayaa isaguna shirkda SOMTEL uga mahad celiyey adeegan cusub ee ay maanta soo bandhigtay , kaas oo ay bulshadeeda uga faa,ideynayso xili dalalka aduun-yadu ay ku jiraan marxalad adag

“ Aniga oo ku hadlaya afka ururada Bulshada Rayidka ah waxaan halkan uga mahad celinayaa shirkada SOMTEL oo maanta macaamiisheeda u soo bandhigtay adeegyo faa’ido iyo waxtar u leh bulshada isla markaana ka jawaabtay baahidii iyo rabitaankii bulshada wakhtigan adag ee lagu jiro“ ayuu yidhi Dr. Jama Musse Jama

Gudoomiye ku xigeenka Shirkada SOMTEL Cabdinasir Daa , uud oo kelmado kooban madashaasi ka yidhi ayaa sharaxay ujeedka ay shirkadu ka leedahay soo bandhigida adeeg-yadan cusub waxaana uu yidhi

“ Ujeedka ay shirkadu ka leedahay adeegan cusub ee RISAALA ayaa ah in qof miiga jooga ee beertiisa iyo xoolihiisa dhex jooga uu baran karo diintiisa hadii ay Qur’aanka tafsiirkiisa noqoto iyo hadii ay muxaadirooyin noqoto-ba .

Sidoo kale qeybta labaad ee adeegan oo ah qiimo dhimista dhinaca Internet-ka iyo dhinaca ku hadalka ah , Mar kasta ma fiicna in shirkadu eegato danteeda ama faa’ido iyada soo gasha balse waa inay u ogolaataa bulshadeedana inay ka faa’idaan shirkada , markaas anaga oo taas ka duuleyna waxaanu sameynay qiimo dhimista intaas leeg oo ay adag tahay in hal mar ay shirkadi sameyso qiimo dhimis intaas leeg , waxaana aanu sidaas u sameynay sidii aanu ula dareen noqono bulshada noo macmiisha ah ee saameynta uu ku yeedhay xanuunka Covid 19 “ ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka shirkada SOMTEL Md Cabdinaasir Daa,uud

Ugu danbeyn waxaa shirkada SOMTEL uga mahad celiyey isla markaana faah faahiyey mihiimada u

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here