Puntland Oo Xirtay Xafiiskii Guddiga Doorashooyinka Qaranka Ee Garoowe

0
451

Puntland Oo Xirtay Xafiiskii Guddiga Doorashooyinka Qaranka Ee Garoowe

Maamulka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay ku dhawaaqeen in ay xireen Xafiiska Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka uu ku leeyahay Magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland ee Gobolka Nugaal.

Amar kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland ayaa la sheegay in lagu xiray xafiiska guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ee magaalada Garoowe,

Qoraalka kasoo baxey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sidoo kale waxaa la farey dhamaan masuuliyiinta heer Degmo iyo mid Gobol ee maamulka Puntland in aan wax howl ah oo la xiriira Guddiga Doorashooyinka Federaalka laga qaban karin degmooyinka iyo gobolada Puntland.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ay uga hadlayaan xafiiskii ay ku lahaayeen Garoowe oo maamulka Puntland uu albaabada iskugu dhuftay,dhinaca kalana dowladda fedraalku kama aysan hadal arrintaan.

Halkaan Ka Akhriso qoraalka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here