Dowladda Somalia Oo Soo Saartay Waaran Caalami Ah Oo Lagu Soo Xirayo Wasiir Janan
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dalbatay waaran caalami ah oo loogu soo gacan gelinayo Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), kaasi oo dowladda ka baxsaday 28-ka Bishii Janaayo ee 2020.
War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska ayaa waxaa lagu sheegay inay dalbadeen waaran caalami ah oo lagu soo xirayo Wasiir Janan, waxaana Taliska Booliska uu tilmaamay inay arrinkaas xiriir kala sameysay Hay’adda Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL.
Sidoo kale Qoraalka Booliska ayaa waxaa dowladda Kenya looga Codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qabato Wasiir C/rashiid Janan, isla markaana dowladda Soomaaliya ugu soo gacan geliso.
Wasiirka amniga Jubbaland ayaa Maanta gaaray Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, kadib markii ka yimid dalka Kenya, halkaas oo saddexdii maalin ee lasoo dhaafay uu ku sugnaa.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay si rasmi ah u dalbatay waaran caalami ah (international warrant) oo loogu soo gacan gelinayo eedaysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), kaas oo ka baxsaday caddaaladda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay arrinkaas xiriir kala sameysay Hay’adda Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, si loogu maxkamadeeyo eedaysanahan lagu soo oogay danbiyo la xiriira tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhiggeeda dalka Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qabato, una soo wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), arrinkaas oo xoojinaya dadaallada heer Gobol ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo adkeynta xasilloonida.
Nidaamka Cadaaladeed ee dalkeenu waxa uu leeyahay habraacyo munaasib ah oo ku saleysan dhageysiga iyo xaqiijinta dacwadaha, iyadoo la dhowrayo xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha, sidaas darteed ma ahan wax la aqbali karo in eedaysane baxsad ka ah caddaaladda uu gabbaad ka dhigto dal daris ah.