Dad U Socday Aroos Oo Ku Le’day Qarax Lagula Eegtay Jubbada Hoose
Wararka aan ka heleyno Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maanta qarax lagula eegtay gaari ay la socdeen dad la sheegay inay dhamoontood ahaayeen shacab.
Qaraxaas oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala eegtay Gaari nooca dadweynaha raacan ee Hoomey oo ay la socdeen 10 ruux oo shacab ah, waxaana qaraxu uu ku qabsaday xili ay marayeen inta u dhexeeysa Degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley.
Dadka deegaanka oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxaa u sheegeen in qaraxaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii saarnaa Gaariga, kuwaasi oo u socday Xaflad Aroos ah.
Inta la xaqiijiyay shan ruux ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka 6 qof kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawacmay si Deg-deg ah loogu soo qaaday Xarun Caafimaad oo ku taalla Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxaas ka dhacay wadada u dhexeeysa Degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.