Dib U Dhac Ku Yimid Bixinta Baasaboorka Soomaaliga Iyo Sababta Keentay
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in muddii bixinta qabashada Codsiyada Baasaboorka Soomaaliga lagu daray maalmo dheeraad.
War qoraal ah oo kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa waxaa lagu sheegay in qabashada Codsiyada Baasaboorka ay u bilaaban doonto 6-da Bisha Febaraayo, iyadoona markii hore la qorsheeyay in Maanta oo ah 2-da Febaraayo ay bilaaban laheyn qabashada Codsiyada.
Sababta ugu weyn ee dib u dhaca keentay qabashada Codsiyada Baasaboorka ayaa dowladda waxaa ay ku sheegtay inay tahay howlo farsamo oo ku socda habka bixinta Baasaboorka, kuwaasi oo weli dhamaystirmi
“Howlihii farsamo ee ka socdey habka bixinta Baasaboorka oo weli dhamaystirmin awgeed, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudadii hakinta lagu kordhiyey maalmo dheeri ah, waxayna howsha qabashada codsiyada baasaboorka dib u bilaaban doontaa maalinimada Khamiista ah, Taariikhduna tahey Febaraayo 06, 2020” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
Sidoo kale Hay’adda ayaa intaas kusii dartay “waxay Hay’adda ka xuntahey dib u dhaca mar kale ku yimid bixinta baasaboorka, waxayna ka codsanaysaa muwaadiniinta in ay dulqaataan mudada kooban ee howlaha farsamo lagu dhameystirayo”.
Si kastaba Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda ayaa dhawaan sheegtay in muddo laba todobaad ah hakisay qabashada codsiyada baasaboorka, isla markaana la bixin doono 2-da bisha Febaraayo 2020, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid.