Ahlusunna Oo Sheekh Shaakir U Dooratay Madaxweynaha Galmudug

0
511

Ahlusunna Oo Sheekh Shaakir U Dooratay Madaxweynaha Galmudug

Ahlusunna Waljameeca ayaa Goordhow Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug u doortay inuu noqdo Sheekh Maxamed Shaakir, kadib Doorasho ka dhacday halkaas.

Xildhibaanada Galmudug garabka Ahlusunna ayaa Maanta Doorasho ku qabsaday Xarunta Inji eek u taalla Dhuusamareeb, iyagoona Madaxweyne u doortay Sheekh Shaakir oo ahaa Madaxii Xukuumadda Galmudug.

Sheekh Shaakir ayaa waxaa la sheegay inay la tartameen laba Musharax, hayeeshee markii dambe ay u tanaasuleen, waxaana Xildhibaanada sidaas ay ku doorteen Sheekh Shaakir.

Shalay ayay aheyd markii Ahlusunna ay Magaalada Dhuusamareeb ku doorteen Guddoomiye Baarlamaanka iyo labadiisa ku-xigeen, iyagoona Maanta doortay Madaxweye Cusub.

Doorashadan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Maalinta berri oo Khamiis ah lagu wado inay dhacdo Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo ay taaeersan tahay dowladda Federaalka, waxaana Maanta Xildhibaanada Galmudug ay dhageysteen Khubadaha Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here