Qarax lala eegtay shaqaalaha Turkiga ee dhismaha Jidka Afgooye

0
485

Qarax lala eegtay shaqaalaha Turkiga ee dhismaha Jidka Afgooye

Wararka aan ka heleyno Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa sheegayaan in gudaha Degmadaas uu ka dhacay Qarax xoogan.

Qaraxaas ayaa waxaa la sheegayaa inuu ahaa mid Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha Qarax, isla markaana waxaa uu sigaar uga dhacay Bar koontarool oo ku taalla Degmada Afgooye.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa u sheegeen in jugta qaraxa siweyn looga maqlay inta badan xaafadaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxaas lala eegtay Shaqaale Turki oo Dhisayay wadada isku xirta Afgooye iyo Magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa Khasaaro uu ka gaaray Shaqaalaha Turkiga iyo Ciidamo ka tirsan Booliska Haramcad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here