Ra’isul Wasaare lagu eedeeyay in uu dilay Xaaskiisa oo Iscasilay

0
453

Ra’isul Wasaare lagu eedeeyay in uu dilay Xaaskiisa oo Iscasilay

Ra’isul Wasaaraha dalka Lesotho ayaa waxaa soo food saaray cadaadis xoogan kadib markii uu soo galay raadka dil loo geestay xaaskiisii Hore.

Ciidanka Booliska ayaa u yeeray haweeneyda hada u dhaxda taasi oo su,aalo la xiriira dil loo geestay marwadii iyada ka horeysay wax laga Weydiiyay.

Xisbiga ra’isul Wasaaraha Lesotho ayaa xaqiijiyay in Mr Thomas Thabane uu aqbalay in uu iscasilo kadib markii lala xiriiriyay in uu ka danbeeyay dilka xaaskiisa Koowaad.

Booliska ayaa lagu amray in ay xiraan Mr Thabane iyo xaaskiisa hada oo lagu magacaabo Maesaiah kadib markii lagu helay in sanadkii 2017-dii ay dileen marwadii hore ee Dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here