Dab Khasaaro geystay oo ka kacay Guryo ku yaalla Jigjiga

0
797

Dab Khasaaro geystay oo ka kacay Guryo ku yaalla Jigjiga

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jigjiga ee Caasimada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in Guryo ku yaalla halkaas galabta uu ka kacay Dab geystay Khasaaro hantiyadeed.

Dabkaan ayaa markii hore waxaa uu ka kacay Guri ku yaalla Xaafad lagu magacaabo Sheekh Nuur ee Magaalada Jigjiga, waxaana uu kusii faafay Guri kale oo deganaa, waxaana dabka uu gebi ahaan baabi’iyay wax kasto oo laba Guri yaallay.

Sidoo kale laba Guri ayaa waxaa la sheegay inay deganaayeen qoysas danyar ah oo ay u joogeen Caruur, iyagoona ka badbaaday dabka, hayeeshee uu laba Guri baabi’iyay.

Dhalinyaro badan oo kamid ahaa dadka deegaanka Xaafadda Sheekh Nuur ee Jigjiga ayaa ku guuleystay deminta dabkaas, waxaana wararka ay sheegayaan in wax gaadiid dab demis ah oo ka socda dowlad deegaanka uu goobta soo gaarin.

Dabkaan geystay Khasaaraha ee qabsaday labada Guri ee ku yaalla Magaalada Jigjiga ayaa waxaa la sheegayaa inuu koronto ka dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here