Amiirka Qatar oo socdaal lama filaan ah ku gaaray Magaalada Tehran

0
484

Amiirka Qatar oo socdaal lama filaan ah ku gaaray Magaalada Tehran

Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa Maanta oo Axad ah Safar aan la shaacin ah ku gaaray Magaalada Tehran ee Caasimadda dalka Iiraan, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Amiirka dalka Qadar ayaa Magaalada Tehran waxaa wadahadal kula yeelan doonaa masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Hassan Rouhani, waxaana Socdaalka halkaas uu tegay Amiirka uu ahaa mid aan lasii shaacin.

Booqashada Amiirka ee Tehraan ayaa timid xilli ay jiraan xiisado kacsan oo ka taagan Khaliijka kadib dilkii Mareykanku ku dilay Qassem Soleimani oo ahaa taliyihii ugu sareeyay Iran ee Baqdaad iyo sidoo kale gantaal aargoosi ah oo Iran ay ku beegsatay bartilmaameedyada Mareykanka ee Ciraaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here