Dowlada Turkiga Oo Sheegtay In Ay Somaliland Ka Hirgalinayso Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Beeraha

0
493

Dowlada Turkiga Oo Sheegtay In Ay Somaliland Ka Hirgalinayso Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Beeraha

Hay’adda Horumarinta Kalmooyinka ee dalka Turkiga (TIKA) ayaa shaacisay inay Jamhuuriyadda Somaliland ka hirgelinayso mashaariic kor loogu qaadayo dhinaca Beeraha.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay War qoraal ah oo ay soo saartay Hay’adda Horumarinta Kaalmooyinka Turkiga oo sheegtay inay Somaliland ka fulinayso mashruuc looga gol leeyahay kor u qaadista tayada iyo tirada dallagyada beeraha iyo xoolaha si looga gaashaanto mustaqbalka saameynta abaaraha.

Warku wuxuu intaas ku daray in Masuuliyiinta Hay’adda TIKA ay 100 xubnood oo ka mid ah Beeraleyda Khudrada ee Gabiley ku wareejiyeen 40 kiilo oo ah siidhka Tamaandhada, basbaaska iyo sunta cayayaanka iyo bacrimiyeyaasha beeraha.

Isku-duwaha Hay’adda TIKA u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Galip Y?lmaz ayaa sheegay inuu beeralayda u rajaynayo in wax-soosaarkoodu noqdo mid waxtar leh oo ay ka faa’iidaystaan taageerada Turkiga.

Masuulkaa ka socday Hay’addaas Turkiga ah ayaa balanqaaday in dawladiisu sii wadayso inay taageerto dadka reer Somaliland. Hay’adda TIKA waxay xustay in wejiga labaad ee Mashruuca ay ku saacidayaan beeralayda Gabiley uu noqon doono inay si casri ah u tababari doonaan beerlayda iyo inay siiyaan qalabkii u dambeeyey ee loo adeegasado beeraha.

Geesta kalena, Isku-duwaha Wasaaradda horumarinta Beeraha ee Gabiley Maxamed Maxamuud ayaa Hay’adda TIKA uga mahadceliyey taageerada ay siinayaan beeraleyda gobolkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here