Hoggaamiyaha Mayanmar Oo Maanta Hortageysa Maxkamadda ICJ

0
488

Hoggaamiyaha Mayanmar Oo Maanta Hortageysa Maxkamadda ICJ

Hoggaamiyaha dalka Mayanmar Aung San Suu Kyi ayaa manta oo Talaado ah hortageysa xarunta maxkamadda cadaaladda (ICJ) ee Hague,iyadoo si weyn loo sugayo kiiska la xiriira xasuuqii ka dhacay dalka dalkaasi ee loo geystay dadka Muslimiinta ah ee Rohingya .

Haweeneydaasi iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa maalinimadii Axadii ee la soo dhaafay ka dagtay garoonka diyaaradaha Amsterdam ee Schiphol,waxaana la socday Wouter Jurgens, oo ah safiirka Holland ee Myanmar,

Xafiiska Aung San Suu Kyi ayaa bishii hore xaqiijiyay in ay ka qeybgaleyso dhageysiga dacwadda maxkamadda ICJ eek u saabsan in ay xasuuq u geysteen muslimiinta ku nool gobolka Rakhin,waxaana la socda koox difaacaya danaha dalkaasi.

Kiiskaan ayaa ah isku daygii ugu horreeyay ee si sharci ah loogu soo oogo Myanmar,kaas oo la xiriira dilal ballaaran oo loo geysto dadka laga tirada badan yahay ee Rohingya.

In kabadan 700,000 oo Rohingya, ah oo u badan muslimiin waxay u carareen dalka deriska la ah ee Bangladesh ka dib hawlgal dhiig badan ku daatay oo ay sameeyeen ciidamada Milatariga Myanmar.

Saacadaha soo socda ayaa la saadaalinayaa in bannaanbaxyo looga horjeedo hoggaamiyaha Mayamar iyo xasuuqii ay geysatay ay ka dhacaan magaalooyinka dalka Holland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here