Maayirka magaalada Nairobi Sonko oo xabsiga loo taxaabay+SABABTA

0
465

Maayirka magaalada Nairobi Sonko oo xabsiga loo taxaabay+SABABTA

Duqa magaalada Nairobi Mike Mbuvi Sonko ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu dacwad oogaha guud ee Kenya soo saaray warqad lagu soo xiray.

Booliska ayaa siyaasigan kasoo qabtay magaalada Voi, halkaasoo uu booqasho ku joogay.
Dacwad oogaha guud, Nuuradiin Xaaji ayaa sheegay in Mr Sonko su’aalo laga weydiin doono halka ay ku maqan tahay lacag badan oo qeyb ka ahayd dhaqaalihii loogu talagalay ismaamulka Nairobi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in xafiiskiisa uu hayo caddeymo ku filan. Sonko ayaa lagu eedeeyay inuu musuq-maasuqay lacag gaareysa 357 milyan shillinka Kenyan ah.
Sonko oo markii la xirayey lagala degay tareen ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta maxkamad lasoo taago.

Dambi oogaha dalka Kenya Xaaji ayaa dhanka kale booliska amar ku siiyay inay ka hor tagaan wax walba oo caqabad ku noqon kara baaritaana la xiriira arrintan.
Wararkii u dambeeyay ee xariga duqa Nairobi ayaa sheegaya in diyaarad lagu soo qaaday isagoo la keenay magaalada Nairobi.

Duqa Nairobi ayaa la sheegay inuu hadalo kulul ku weeraray askartii dooneysay inay soo saaraan diyaarada helikabtarta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here