Diyaaraddii u horeysay oo gargaar sida oo ka degtay garoonka diyaaradaha Beledweyne

0
462

Diyaaraddii u horeysay oo gargaar sida oo ka degtay garoonka diyaaradaha Beledweyne

Diyaaraddii u horeysay oo siday gargaar ay dowladda Federaalka ugu tala gashay dadka ay saameeyeen fatahaadaha wabiga Shabeelle ayaa maanta ka degtay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne.

Sida wararku sheegayaan diyaaradan ayaa waxaa la socday xubno ka tirsan Guddiga Gurmadka fatahaadaha ee uu shalay magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaana ay ka qeyb qaadan doonaan howlaha gurmadka iyo isku xirka gargaarka la gaarsiinayo kumanaanka ruux ee ku barakacay fatahaadaha.

Isku duwaha Maareynta Gargaarka ee Gobolka Hiiraan Xaawo Axmed Rijaal ayaa sheegtay diyaaraddan ay siday agab isugu jira Teendhooyin, maacuun iyo agabyo kale oo loogu tala galay dadka ku barakacay fatahaadaha wabiga, kuwaasoo haatan xaalado bani’aadanimo ku heysato deegaanka Ceelgaal.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay diyaarado gargaar sida ay gaaraan magaalada Beledweyne, waxaana gargaarkaas isugu jira kuwo ay direyso dowladda Federaalka iyo hey’adaha sama falka, si loogu gurmado dadka ku barakacay fatahaadaha.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in 50 kun oo qoys ay ku barakaceen fatahaadaha wabiga Shabelle, waxaana xaafado ka tirsan Beledweyne isku bedeleen webi oo kale, kaddib markii ay gudaha u soo galeen daadadka ka dhashay fatahaada wabiga Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here