Warbaahinta Mareykanka oo sheegaya in Hoggaamiyaha Daacish lagu dilay howlgal qarsoodi ah

0
457

Warbaahinta Mareykanka oo sheegaya in Hoggaamiyaha Daacish lagu dilay howlgal qarsoodi ah

Saraakiil ka tirsan Milateriga Mareykanka ayaa sheegaya in howlgal qarsoodi ah oo ay qaadeen lagu bartilmaameedsaday Hoggaamiyaha ISIS ama Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi.

Warbaahinta Maretkanka ayaa sheegaya in howlgalka gaarka ah ee Ciidamada Mareykanka fuliyeen waxay diiradda ku saareen Gobolka waqooyi ee Suuriya, gaar ahaan Idlib.

Sida ay soo warisay Warbaahinta Newsweek Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa lagu dilay howlgalka, iyadoo la sugayo caddeymo dheeri ah.

Haddii uu guuleystay howlgalkaas in lagu dilay Hoggaamiyaha Daacish Al-Baqdaadi waxay noqoneysaa hoggaamiyihii u horeeyay ee loogu doonista badnaa Caalamka oo la dilo ama la qabto, tan iyo markii la dilay Osama Bin Laden sanadkii 2011.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa shaaciyay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu warbaahinta la hadli doono saacada Geeska Afrika marka ay tahay 4-ta galabnimo, halka Mareykanka ku beegan tahay 9-ka subaxnimo.

Donald Trump ayaa qoraal bartiisa Twitter-ka soo geliyay ku sheegay “Wax aad u weyn ayaa hadda dhacay”, waxaana durbaba loo fasiray howlgalka ka dhacay Idlib oo bartilmaameedkiisu ahaa Abuubakar Al-Baqdaadi.

Al-Baqdaadi ayaa waxaa Mareykanka uu madaxiisa saaray lacag gaareysa 25-milyan oo dollar, cidii keenta macluumaad sahli karta in lagu soo qabto nolol iyo geeri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here