Waxaa Maanta Sabti ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 26-ka Bisha Octoobe lagu wadaa in uu si rasmi ah u furmo Kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiilada dowlad Goboleedka Puntland.
Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo Marti sharaf kale oo lagu Casuumay.