Jilicsanaanta Mucaarad ka Somaaliland Iyo Tanaasul La’aanta Muuse Biixi+Guddoomiye Cirro Oo Eeddo Kala Duwan Iyo Dhaliilo U Jeediyay Madaxweyne Biixi
Hargeysa(Dalmar-News)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay mid xirfad iyo guul siyaasadeed u yaqaanna beenta iyo ballan-furka, islamarkaana uu si joogta ah uga baxay heshiisyo uu la gaadhay xisbiyada mucaaradka ah.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in Madaxweynuhu curyaamiyay heshiis uu 27 kii July 2019 madaxtooyada kula galay labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaradka ah kaas oo dhigayay in guddida doorashooyinka laga dhigo 9 xubnood laakiin, madaxweynuhu jidgooyo u dhigtay isaga oo aan golaha la hor gayn “waxa aan shacbiga ka qarsooneyn in Muuse uu jid-gooyo u galay mooshinkii sidii caadada u ahayd, mooshinkiina uu dilay isaga oo aan gaadhin halkii loogu talo galay,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.
Waxa uu intaasi raaciyay in xisbiyada mucaaradka ahi aqbaleen arrintaas iyaga oo muranka ka dhawraya geeddi socodka doorasho ku qabsoomi karto laakiin, madaxweynuhu mar kale ka baxay heshiiskii beesha caalamku ku dhexdhexaadisay madaxweynaha iyo mucaaradka oo ahaa in guddi cusub la dhiso, islamarkaana xubno xisbigiisa iyo Komishankii hore ka tirsan halka mucaaradka iyo Guurtidu u xuleen xubno sharciga waafaqsan.
Mawqifka xisbiga Waddani
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in wefti ka socday beesha caalamka oo maalmihii u dambeeyay isku dayay in ay xal u helaan khilaafka ka dhashay Komishanka cusub ay faro madhan kala laabteen madaxweyne Biixi taasna ay sawir fool xun ka bixinayso Somaliland maaddaama ay soo noqnoqonayaan murannada siyaasiga ah.
“ WADDANI waxa uu mowqifkiisa ku caddeeeyey warqaddii uu ku socodsiiyey Muuse Biixi 14- kii bishan, isla markaana aanu ogeysiinta siinay dhammaan daneeyayaasha doorashada oo ay ku jiraan beeshii caalamka, mowqifkaas oo ah in Xisbigu si cad u diiday falalka kala ah heshiis burinta iyo xeer jebinta uu ku kacay Muuse, isaga oo ah kii loo dhaariyey ilaalintooda, waxaa kale oo uu Xisbigu hakiyey xubintii uu komishinka uu u magacaabay ilaa inta uu Muuse ka saxayo gefefka badheedhka ah ee uu kula kacay heshiiskii xisbiyada iyo xeerarka Qaranka,” Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro
Waxa uu intaasi ku daray “Walaalayaal; waxa aanu idiin caddeynayaa in aanu Xisbiga WADDANI sinnaba u aqbali doonin xubno kamid ah komishankii hore iyo xubno Muuse Xisbigiisa ka socda Maaddaama uu Muuse ka baxay heshiiskii sadexda xisbi, maaddaama uu ku gefay xeer lr 20/2001, maaddaama uu abuurayo mar walba muran joogta ah.”
“Xisbiga WADDANI markii uu arkay taloobooyinkan uu qaaday Muuse waxaa u caddaatay in aanu Muuse iyo xukuumaddiisu aanay diyaar u hayn in ay dalkan doorasho ka qabtaan gutaana waajibkooda dastuurku farayo, waxaana marag ma doon u ah in marka murran dhammaadaba uu abuurayo murran cusub oo is hor-taagaya geedi socodka doorashooyinka,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro
Mudane Cabdiraxmaan Cirro waxa uu hoosta ka xariiqay habka ay ula shaqaynayeen intii uu xilka hayay Muuse Biixi “Muddadii labada sannadood ahayd ee Muuse hayay xilka waxaanu kula dhaqmaynay Muslinow run sheeg muslinowna uga qaado haseyeeshee waxa anaga iyo shacbigaba u caddaatay in aanu ahayn Muuse nin dhawraya qawlkiisa, xurmaynaya heshiisyada uu galo, ixtiraamaya xeerarka Qaranka beentana u yaqaanna xariifnimo iyo guul siyaasadeed,” Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro
Waxa uu intaas ku sii ladhay “Waxa tusaale idiinku filan in Muuse warbaahinta isla soo taagay in aanu faro gelin xubnaha Golaha Guurtida iyada oo aad dhammaantiin ka war haysaan oo telefishannada qaar barmaamijyo ka sameeyeen in labadii xubnood ee u horeeyay mid ka mid ah uu Muuse ku celiyay Golaha Guurtida, xubintaasi Hargeysa ayuu jooga Fawsi ayaana la yidhaahda saxaafadduna way waraysan kartaa. Madaxweynuhu wuxuu u badheedhay inuu shacbigiisa been cad u sheego,” Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro
“Iyada oo ay dayacan yihiin xilalkii loo igmaday Muuse oo ay ka mid yihiin; sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, adeegyada bulshada ayaa waxa