Madaxweyne Biixi Oo Heshiis La Saxeexday Sarkaal Ka Tirsan Waaxda DFID Ee Ingiriiska

0
452

Madaxweyne Biixi Oo Heshiis La Saxeexday Sarkaal Ka Tirsan Waaxda DFID Ee Ingiriiska

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay wuxuu heshiis la saxeexday sarkaal ka tirsan Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska oo loo soo gaabiyo  DFID Mr. Damon Bristow,  taas oo u qaabilsan dalkaas kaalmaha caalamiga ah; kaas oo sida ay madaxtooyadu sheegtay uu nuxurkiisu ahaa kaalinta uu Ingiriisku kaga qayb qaato sanduuqa horumarinta Somaliland SDF. Waxa kale oo ay madaxtooyadu sheegtay in Madaxweyne Biixi iyo sarkaalkani ay kala saxeexdeen heshiis lagu horumarinta khayraadka tamarta JSL.

Ma tahay talaabo haboon?

Dad badan ayaa baraha bulshada ku dhaliilay in Madaxweyne Biixi uu heshiis la saxeexdo sarkaalkan.

Madaxtooyadu waxay sheegtay in Mr. Damon Bristow, uu ka mid ahaa wefti uu hoggaaminayo safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya danjire Ben Fender.

Sarkaalka uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi heshiiska la saxeexday wuxuu Xafiiska Arimaha Debedda iyo Barwaaqo Sooranka (FCO ) ee Ingiriisku sheegay in Mr.  Bristow uu u qaabilsanyahay Waaxda Horumarinta Caalamiga ah (DFID) dalka Somaliya, inkastoo aanay madaxtooyadu sheegin, waxaanu xilkan la wareegay bishii June ee sannadkan. DFID waxa madax ka ah wasiir, waxaayna leedahay waaxyo. Xilka Mr.  Bristow wuxuu u dhigmaa agaasime unug, haddii la barbar dhigo qaab dhismeedka wasaaradaha Somaliland.

Haddaba, dad badan ayaa talaabo aan wanaagsanayn ku tilmaamay in Madaxweynaha qaranku uu sarkaal ka tirsan wax ka tirsan wasaarad la saxeexdo heshiis, iyadoo uu madasha joogay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon, islamarkaana ay jiraan waaxyo kala duwan oo ay leeyihiin wasaaradaha Somaliland sida wasaaradda qorshaynta oo kale.

Siilaanyo iyo 2015

Marka uu shalay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi heshiiska la saxeexday sarkaalkan Ingiriiska ah, waxa xusid mudan in afar sannadood ka hor ay xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ee xilka ku wareejisay Madaxweyne Biixi ay heshiis dawladda Ingiriiska kula gashay isla goobtan madaxtooyada ee uu Madaxweyne Biixi kula galay.

Heshiiskaas oo sida sawirka ka muuqata uu Madaxweyne Siilaanyo goob-joog ka ahaa waxa 24 July 2015 kala saxeexday wasiirkii arrimaha dibadda ee wakhtigaas Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirkii Ingiriiska ee Afrika u qaabilsanaa wakhtigaas Mr. Grant Shapps oo socdaal ku yimid magaalada Hargeysa.

Heshiiska ayuu nuxurkiisu ahaa biyo balaadhinta caasimadda Hargeysa iyo horumarinta tamarta iyo korontada Hargeysa.

Gunaanad

Dad badan oo falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo hab maamuuska ayaa talaabadan uu Madaxweyne Biixi heshiiska kula saxeexday sarkaal ka tirsan waaxda DFID u arka mid aan ku haboonayn haybada Madaxweynenimo. Sidaas horeba u dhacday ee uu Madaxeynihii hore Siilaanyo goob-jooga uga noqday heshiiskaas oo weliba lala galay Wasiir, waxa ay ku haboonayd in heshiiskan ay kala saxeexdaan madaxda DFID iyo wasaaradda arrimaha dibadda ama wasaaradda qorshaynta. Waxa ay dad badani u arkaan in arrintani nusqaan ku noqon karto haybada kursiga Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here