Diblumaasi Turki ah oo lagu dhex toogtay maqaaxi
Diblumaasi sare oo u dhashay dalka Turkiga ayaa lagu toogtay magaalada Irbil oo ah caasimadda gobolka Kurdistaan ee dalka Ciraaq.
Sarkaalkan ayaa waxaa ku sugnaa maqaaxi ku taalla halkaas, waxaana rasaas ku furay dabley hubeysan.
Diblumaasiga la dilay ayaa waxaa lagu soo warramaya inuu ahaa ku-xigeenkii madaxa qunsuliyadda Turkiga uu ku leeyahay magaaladaas.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa cambaareeyay weerarkaas, waxaa uu ku tilmaamay ‘weerar gurucan’.
“Wax war ah kama heyno dilka iyo toogashada loo geystay saraakiisha qunsuliyadda Turkiga uu ku leeyahay Iribil” sidaas waxaa yiri afahayeen u hadlay garab ka tirsan militariga gobolka Kurdistan xilli uu la hadlayay warbaahin kasoo baxda halkaas.
Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka balse Turkiga waxaa muddo tobonaan sanno ah dagaal kula jiray xisbiga PKK ee fadhigiisu yahay Ciraaq.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu waxaa uu sheegay in dableyda ay rasaas ku fureen maqaaxidii ay joogeen saraakiisha oo ay halkaasi ku dileen diblumaasiga iyo qof shacab ahaa.
Warar hore oo soo baxayay waxay sheegayeen in saddex diblumaasiyiin ah oo Turkiga u dhashay la dilay.
Wasaaradda amniga gobolka Kurdistaan waxay sheegtay inay bilaabeen baaritaanno lagu ogaanayo dilka loo geystay diblumaasiga.