Shabaab oo sheegtay 13 Askari inay ku dileen weerar ka dhacay duleedka Buurhakabo

0
500

Shabaab oo sheegtay 13 Askari inay ku dileen weerar ka dhacay duleedka Buurhakabo

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaal ay ku dileen Askar ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiya, sida ay ku baahiyeen war ay ku qoreen Bogga Internet-ka ee Shabaab wararka ku faafiyaan.

Al-shabaab waxaa ay sheegeen in qarax iyo dagaal ka dambeeyay ay ku dhinteen askarta waxaana ay intaas ku dareen in dadka weerarkaas ku dhintay uu ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka Koofur Galbeed ee degaanka Deynuunay oo ay magaciisa ku sheegeen Axmed Dheere.

Ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Shabaab oo xaqiijinaya in askartaasi ay ku dileen qaraxa & weerarka ka dhacay duleedka Degmada Buurhakabo ee Gobolka Baay.

Xoogaga Shabaab ayaa inta badan waxa ay wadada u galaan oo qaraxyo & dagaal la galaan Ciidamada dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Amisom ee wadooyinka Gobolka Baay isticmaala.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed wali kama aysan hadlin sheegashada Shabaab ee ku aadan inay dileen askar ka tirsan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here