Meydka Abwaan Sangub oo lagu aasay magaalada Jig-jiga

0
529

Meydka Abwaan Sangub oo lagu aasay magaalada Jig-jiga

Waxaa maanta lagu aasay magaalada Jig-jiga meydka Allaha u naxariistee Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub oo dhowaan ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Aaska ayaa waxaa ka qeybgalay boqolaal ruux oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Cagjar iyo mas’uuliyiin ka socday dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Jabuuti.

Wasiirka warfaafinta dowlada federalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in sababta loogu aasay magaalada Jig-jiga abwaan Sangub ay tahay codsi ka yimid qoyskiisa.

Allaha u naxariistee Abwaan Sangub ayaa geeriyooday xilli abwaano iyo fanaaniin badan oo Soomaaliyeed oo caan ka ahaa adduunka ay geeriyoodeen halka ay weli xanuuno kala duwan la il daran yihiin fanaaniin iyo fanaaniin kale oo laga xusi karo Abwaan Hadraawi,Seynab Xaaji Cali Baxsan iyo Cabdi Tahliil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here