Isbadal ku yimid amar uu soo saaray Trump oo ahaa in Milatariga Mareykanka uu Weerar ku qaado Iiraan
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa meel mariyay Khamiistii shalay in weerar lagu qaado dalka Iiraan.
Balse Trump ayaa dib uga laabtay go,aankaan, sida ay saraakiil ka tirsan Washington ay u sheegeen warbaahinta Mareykanka.
Wargeyska New York Times oo soo xiganaya saraakiil milatari ayaa qoray in Trump uu amray in la weeraro baraha koontarool ee ciidanka amniga Iiraan gaar ahaan goobaha ay yaalaan Radarada la socda hawada iyo saldhigyada Gantaalaha la Dhigo.
Trump ayaa amarka lagu weerarayo Iiraan dib uga laabtay fiidnimadii Xalay.
Wargeys-ka Washington iyo warbaahinta ABC ayaa iyagana tabiyay qabar ka ku aadan arintaan iyaga oo soo xiganaya saraakiil sare oo ka tirsan aqalka Cad.
Warkaan ayaa imaanaya saacado uun kadib markii ciidanka ilaalada Kacaanka Iiraan ay soo rideen diyaarad nooca wax basaasa oo ay leeyihiin milatariga Mareykanka.
Maamulka Trump ayaa dhanka kale ka gaabsaday in uu bixiyay amarkaan iyo Inkale.