Askari ka tirsan Ciidamada Somaliland oo Askari kale ku dilay Magaalada Hargaysa

0
548

Askari ka tirsan Ciidamada Somaliland oo Askari kale ku dilay Magaalada Hargaysa

Askari ka tirsan Ciidamada Somaliland ayaa dil ugu gaystay magaalada Hargaysa askari kale oo ka tirsan Ciidamada Somaliland, kadib markii ay isku dhaceen labada askari.

Labada Askari ayaa ku dagaalamay agagaarka Xarunta Tb-da ee Degmada Maxamed Mooge, iyadoo illaa hadda aanan la ogeyn sababta ka dambeysa in labada askari israsaaseeyaan.

Mid ka mid ah labada Askari ayaa rasaastii la isweydaarsaday dhaawac culus uu ka soo gaaray, kadibna dhaawacaasi uu u dhintay.

Waxaa goobta ka baxsaday askarigii falka gaystay oo magaciisa lagu soo koobay Dacar, kaasi oo aan la ogeyn meesha uu aaday.

Taliska Ciidanka Booliska ee Magaalada Hargaysa wali kama aysan hadlin falkaan manta ka dhacay Magaalada Hargaysa ee askariga uu ku dilay askariga kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here