Nin beeraley Ameerikaan ah oo lugtiisa iska jaray kaddib markii ay meel u gashay

0
669

Nin beeraley Ameerikaan ah oo lugtiisa iska jaray kaddib markii ay meel u gashay

Nin beeraley ah oo u dhashay gobolka Nebraska ee waddanka Mareykanka ayaa lugtiisa waxa uu isaga jaray midi yar oo nooca jeebka lagu qaata ah kaddib ay lugtu qabsatay qalab beerta uu ku falanayay.

Kurt Kaser, oo 63-jir ah, ayaa qalabka waxa hadba dhinac ugu falayay beerta markii mid ka mid ah ilkaha qalabkaasi oo u sameysan tuubo gudaha ku leh biro ay lugtiisa ruugtay.

Waxaa lagu qasbay inuu dhudhunka lugtiisa uu ku jaro midi yar kaddibna uu u guurguurto taleefankii ugu dhawaa si uu caawinaad u dalbado.

Ninkan beeraleyda ah ayaa isbitaalka ku jiray muddo todobaadya ah halkaas oo lagu baxnaaniyay ka hor inta uusan Jimcihii tegin gurigiisa oo ku yaal deegaanka Pender oo u dhaw xadka gobolka Nebraska uu la leeyahay gobolka Iowa.

“Waddo kale oo ii furneyd ma aanay jirin,” ayuu Mr Kaser u sheegay warbaahinta ABC News.

Presentational white space
An augerLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionQalabkan ayaa waxaa loo sameeyay sida musmaar weyn oo kale kaas oo girgiro ku leh dhinacyada

Ninkan beeraleyda ah ayaa waxa uu kaligii ka shaqeynayay beertiisa oo 607 oo hektar ah markaas oo uu shilku qabsaday 19-kii Abriil.

Waxaa u suurageli waysay inuu taleefankiisa gacanta ku soo dhigo si uu caawinaad u dalbado, Mr Kaser ayaa daawanayay markii makiinadda ay cagtiisa jarjartay oo misana ay soo burburisay dhudhunkiisa xilli ay makiinaddu ku soo socotay dhina sare ee lugta.

Ninkan beeraleyda ah ayaa kaddib waxa uu la soo baxay midi yar oo jeebka ugu jirtay waxa uuna iska jaray inta ka hoosaysa jilibka.

A grain auger at work in AustraliaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

“Lafta ayaa bannaanka u soo baxday ilaa meel ku dhaw jilibka,” waxa uu sheegay warbaahinta Omaha World-Herald. “Arrintaas ayaa I haysatay markii aan iskudayay inaan nafteyda meesha kala baxo.”

Markii uu makiinaddii ka soo baxsaday ayuu Mr Kaser waxa uu soo guurguurtay boqolaal mitir si uu ugu yimaado taleefankii ugu dhawaa markaas oo uu wacay wiilkiisa kaas oo meeshii ka soo qaaday oo magaalada geeyay. Kaddib waxaa loo soo duuliyay caasimadda gobolka ee Lincoln si halkaas loogu dabiibo.

Mr Kaser ayaa sheegay inuu iska bixiyay qalab loogu talagalay in lagu ilaaliyo badqabka jirka dhammaadka xilligii qaboobaha si qalabka ay ugu fududaato inuu gudaha u galo dhulka, waxa uuna warbaahinta ABC News uu u sheegay in “nafteyda ayaan niyadjabiyay sababtoo ah ma aanan ka fakarin inaan qalabka hagaajiyo”.

“Hasayeeshee waa sababta shil loo yiraahdo ayey ila tahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here