Ra’iisal Wasaare maalmo dalka maamula marna dadka daaweeya

0
573

Ra’iisal Wasaare maalmo dalka maamula marna dadka daaweeya

Ra’iisal wasaareyaasha caalamka intoo badan kama badiyaan xilka ay hayaan shaqooyin kalena kuma daraan.

Balse waxaa arrintaas ka duwan Ra’iisal Wasaaraha Bhutan, oo toddobaadka kasta dhammaadkiisa waqtigiisa qayb kamid ah ku bixiya daawaynta bukaanada.

Dr Lotay Tshering ayaa ahaa mid kamid ah dhakhaatiirta ugu aqoonta badan dalka Bhutan kahor inta uusan siyaasadda galin sanadkii hore, maalmaha shaqada ee toddobaadka waxa uu gutaa waajibaadkiisa Ra’iisal Wasaarenimo, halka todobaadka dhammaadkiisana uu dib ugu laabto Cisbitaalka si uu u daaweeyo bukaannada.

“Dadka qaar ayaa golf ciyaara, halka qaar kalena ay ciyaarta shiishka ama toogashada waqti ku bixiyaan, aniguse dadka xanuunsan ayaan qalaa” Dr Tshering ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka ee APF xilli uu ka hawl galayey Cisbitaalka lagu magacaabo Jigme Dorji Wangchuck National Referral Hospital.

“Waan sii wadi doonaa shaqadan ilaa aan ka dhimanayo waana usoo xiisaa marka kasta oo aan halkaan ka maqanahay,” ayuu intaas ku daray.

Ayadoo ay adagtahay in la is waafajiyo labadaas shaqo, ayaa Tshering waxa uu sheegay in aanu filayn in uu u dhaxeeye Ra’iisal Wasaare iyo dhakhatar qalliin.

“Markaan Cisbitaalka joogo bukaanka ayaan baaraa oo daaweeyaa. Markaan xukuumadda u shaqaynayana, waxaan baaraa siyaasadda caafimaadka qabta oo waxaan iskudayaa in aan sii hagaajiyo,” ayuu yidhi.

Waxa uu sidoo kale sameeyey barnaamij daryeel caafimaad ah oo kamid ahaa qorsheyaashiisa siyaasadda.

Qof kasta oo dalxiise ah ayaa laga qaadaa lacag dhan 250 dollar, si loo ilaaliyo goobaha taariikhiga ahLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionQof kasta oo dalxiise ah ayaa laga qaadaa lacag dhan 250 dollar, si loo ilaaliyo goobaha taariikhiga ah

Kadib markii uu ku guuldarraystay doorashadii dhacday 2013, ayaa Tshering waxa uu bishii November ee sanadkii 2018 ku guulaystay jagada Ra’iisal wasaaraha ee dalka Bhutan.

Shaqadan ayaa ah mid uu jecel yahay Ra’isal Wasaaraha dalka Bhutan, oo ah boqortooyo ku dhaxaysa Hindiya iyo Shiinaha oo dadka ku nool ay dhan yihiin 750,000 oo qof.

Dalka Bhutan deegaanka ayaa aad loo ilaaliyaa, kaymaha dalkaas kuyaal ayaan la ogolayn in la taabto, waxaana mamcuuc ah in la dilo nooc kasta oo noole ah ayadoo dalkaasna uusan lahayn wax carbon ah.

Si loo ilaaliyo macbadyada qaddiimiga ah ee kuyaal buuraleeyda dalkaas iyo kaymaha dalkaas kuyaal ee aan la taaban ayaa qof kasta oo dalxiise ah oo halkaas booqanaya waxaa laga qaadaa 250 doollar.

Bhutan ayaa mar kasta kaalinta koowaad ka gasha dalalka ugu farxadda badan qaaradda Aasiya, balse dalkaas ayaa la daalaa dhacaya caqabado ay kamid yihiin heerka shaqo la’aanta oo sare u kacay iyo xaaladaha caafimaadka la xiriira oo 95% kordhay sida xanuunada macaanka iyo cayilka.

Dadka reer Bhutan, ayaa waxaa sharaf u ah in Ra’iisal Wasaare Tshering, uu dadka buka daaweeyo kaas oo subax kasta oo Khamiis ah tababar iyo talooyin caafimaad siiya dhakhaatiirta tababarka ku jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here