Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ay Leeyihiin Ciidamada Jubbaland

0
664

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ay Leeyihiin Ciidamada Jubbaland

Wararka aan ka heleyno deegaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland iyo Al-shabaab uu dagaal xoogan culus ku dhexmaray halkaasi.

Dagaalkan ayaa bilowday,kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni,isla markaana intaasi kadib ayaa waxaa xigay dagaal dhexmaray labada dhinac,kaas oo socday muddo ka badan saaacad.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana lagu soo waramayaa in uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

War Al-shabaab ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen inay weerareen Ciidamada Mareykanku tababaray ee Saldhiga ku leh deegaanka Baar Sanguuni.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weerar xoogan oo geystay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ku qaaday deegaanka Baar-Sanguuni oo ay Saldhig weyn ku leeyihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan weerarkii Maanta ka dhacay deegaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here