Munaasabadda sanad guurada Ciidanka xoogga dalka oo maalin ka hor la soo hormariyay

0
535

Munaasabadda sanad guurada Ciidanka xoogga dalka oo maalin ka hor la soo hormariyay

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka dhacdo Munaasabada 59-guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka ee 12-ka April oo ku beegan maalinta berri oo Jimco aheyd, iyadoo maanta oo Khamiis ah la soo hormariyay.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galaya Saraakiisha Ciidamada qalabka sida, Taliyeyaasha Ciidamada, Madaxda dowladda Federaalka iyo marti sharaf kale.

Ciidamada xoogga dalka ayaa la filayaa inay ku soo bandhigaan dhoolatus, waxaana munaasabadda ka dhici doontaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa saaka aad loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyin dhowr ah oo ciidamo badan ku sugan yihiin.

Lama oga sababaha maalin ka hor looga soo hormariyay Munaasabadda Ciidanka xoogga dalka oo ku beegneyd maalinta berri oo jimco aheyd oo inta badan magaalada iska ah maalin fasax ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here