Boqortooyada Brunei oo ku dhawaaqday ku dhaqanka shareecada Islaamka

0
670

Boqortooyada Brunei oo ku dhawaaqday ku dhaqanka shareecada Islaamka

Wadanka Brunei oo ku yaal qaarada Aasiya ayaa meel mariyay in ciqaab adag la mariyo dadka isku jinsiga ah ee isku taga ee loo yaqaan Gay-ga.

Boqorka maamula dalkaan yar oo hodanka ku ah saliida oo loo yaqaan Suldaan Hassanal Bolkiah ayaa xukunkaan ku dhawaaqay sanadkii 2013-kii inkastoo xukunka ciqaabta dhagaxa dib loo dhigay dhaqan Galkiisa.

Bolkiah, oo 72, jir ah ayaa sheegay in ku dhaqanka shareecada islaamka uu dan u yahay dhamaan musliniinta iyo bulshada kale ee aan islaamka Aheyn.

Xukunkaan cusub ee dhagax ku dilka ah ayuu tilmaamay in uusan aheyn fikirkiisa balse ay fareyso diinta Suuban ee Ilaah u soo dajiyay umadiisa in ay isku Maamusho.

Qolyaha burcadka ah ee dhaca u geesta dadweynaha iyo tuugada sida xirfadeysan wax ku qaata ayaa wajihi doona si la mid ah Xukun adag.

Xasanal Balkiyah ayaa ugu danbeyn sheegay in boqortooyada 51 jirka ah ay xoojin doonto ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Si kastaba ha ahaate in dalka yar ee Brunei uu dhaqan galiyo ku dhaqanka Shareecada islaamka ayaa waxaa ka hor yimid hey,ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here