Laacibka kooxda Juventus Douglas Costa oo shil halis ah ka badbaaday isla markaasna dhiman gaaray.

0
913

Laacibka kooxda Juventus Douglas Costa oo shil halis ah ka badbaaday isla markaasna dhiman gaaray.

Laacibka kooxda kubbada cagta ee Juventus khadka dhexe uga cayaaro ee Douglas Costa ayaa galay shil halis ah xili uu waday gaarigiisa.

Sida ay qoreen wargeysyada talkaasi Italy kasoo baxo Costa ayaa shilka la kulmay xili uu gaarigiisa ku waday waqooyiga Italy asigoo ay gaarigiisa isku dhaceen gaari kale oo uu saarnaa nin 47 jir ah.

Wararka ayaa waxay intaasi ku dareen in shilkaasi uu sababay in labadii gaari burburaan hase yeeshee laacibka Juva ayaanan la kulmin wax dhaawac halis ah xili ninkii kale loola cararay isbitaalka iyadoo ay wargeysyada sheegeen in Douglas Costa uu si layaab leh ku badbaaday maadaama uu gaariga xawaare sare kuwaday.

Laacibkaan oo kasoo jeedo dalka Brazil ayaa kooxdiisa Juventus xili ciyaareedkaan u saftay 24 kulan tartamada oo dhan asigoo mudadaas ku lug yeeshay Goal uu dhaliyay iyo labo caawin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here