Donald Trump oo ku tilmaamay sirdoonka Mareykanka kuwo aan qibrad Laheyn

0
714

Donald Trump oo ku tilmaamay sirdoonka Mareykanka kuwo aan qibrad Laheyn

Madaxweynaha wadanka Mareykanka Donald Trump ayaa weerar ku qaaday saraakiisha sare ee sirdoonka Mareykanka waxaana uu sheegay in ay yihiin kuwo aan qibrad iyo firfircooni shaqo ka muuqan.

Dhaleeceynta Trump ayaa imaaneysa maalin kadib markii ay sheegeen saraakiisha sirdoonka in aragti ahaann waqooyiga kuuriya uu ka qatar badan yahay xiligan dhanka bacriminta hubka dalka Iiraan.

Hogaamiye yaasha sirdoonka oo ka soo hor muuqday aqalka golaha Senet-ka ayaa sheegay talaadadii in wali ay taagan halista hubka Nuclear-ka waqooyiga kuuriya.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in Iiraan aysan wadin bacriminta hubka wax gumaada iyadoo Trump uu horay ugu daray maamulka Tehran dalalka caqabada ku ah amniga caalamka.

Trump oo caro ka muuqatay ayaa yiri sirdoonka waxay u muuqdaan kuwo qibrad iyo fircooni aan laheyn marka ay imaado qatarta Iiran,aragtida ay bixiyeen waa mid qaldan.

Ugu danbeyn hogaamiyaha xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri sirdoonka dib ugu laabta iskuulada waxna soo barta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here